Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmaha soo socda ku wajahan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaasoo ay ka socoto qaban qaabada soo dhaweyntiisa.
Sida qorshuhu yahay, madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni oo ku sugan magaalada Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta ayaa soo gaabinaya safarkiisa, isagoo madaxweyne Xasan uga sii hormarayo magaalada Boosaaso, si uu halkaasi ugu soo dhaweeyo.
Macluumaadka la helayo ayaa intaasi ku sii daraya in Xasan Sheekh iyo Siciid Deni ay magaalada Boosaaso ka daah-furayaan mashruuc lagu ballaarinayo garoonka diyaaradaha Boosaaso sida ay wararku sheegayaan.
Sidoo kale waxaa la filayaa in ay booqdaan xarunta Ciidamada PMPF halkaas oo tababar looga furayo Ciidamo heer Federaal ah.
Labada madaxweyne ayaa sidoo kale la filayaa iney yeeshaan kulan gaar ah oo ay uga wada hadlayaan xoojinta xiriirkooda iyo sidii la isaga kaashan lahaa dagaalka ku foorara Shabaab.
Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada
Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka