Sida ay xog ku heshay Mudug24 maalmaha soo socda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bilaabaya Muqdisho ka bilaabaya kulamo siyaasadeed oo xasaasi ah.
Xogta aan helnay waxay sheegeysaan in Madaxweynuhu uu casuumay xubno ka mid ah saamileyda siyaasadda, gaar ahaan xubnihii ka ay Midowga Musharaxiinta isku baheysteen, markii uu talada joogay Farmaajo.
Siyaasiyiin uu ku jiro Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa todobaadkaan Muqdisho imaanaya, kuwaas oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu casuumay, sida ay ogaatay Caasimada Online.
Madaxweynaha ayaa siyaasiyiintaan kala xaajoo doona tabashada ay ka qabaan hoggaaminta dalka iyo nidaamka ay uu doonayo in la qaato ee dhawaan ku soo baxay heshiiskii golaha wadatashiga qaran.
Sida aan xogta ku helnay Sheekh Shariif ayaa Madaxweynaha ka codsaday inuu isugu yeero siyaasiyiinta kale ee saamileyda siyaasadda, si ay u soo bandhigaan dooda ay ka qabaan heshiis siyaasadeed ee 27-kii May ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran.
Markii laga reebo Farmaajo, saamileyda siyaasadda, gaar ahaan xubnihii isbaheysa uu la ahaa Xasan Sheekh ayaa si adag uga hor yimid in dalku uu u guuro nidaamka Madaxtooyada, in dalka uu mustaqbalka yeesho labo xisbi iyo in muddo xileedka madaxweynaha iyo baarlamaanka laga dhigo shan sano.