Madax hore, siyaasiin iyo marti kale oo ka kala yimid gudaha iyo dibadda ayaa sidoo kale munaasabadda ka qaybgalaya.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xiriirkoodu xumaa muddooyinkii la soo dhaafay, iyadoo khilaafkaas uu sababay in Puntland ay ka maqnaato shirar iyo tillaabooyin ku saabsanaa masiirka Soomaaliya, iyadoo xitaa Putland khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka dartii ay uga hortay tartanka kubadda cagta ee maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo hadda Muqdisho ka socda.
Qaar ka mid ah dadka falanqeeya arrimaha Soomaaliya ayaa qaba in ka qayb galka madaxwene Xasan ee xafladda caleema saarka madaxweynaha Puntland ay muujineso isu soo dhawaansho iyo in labada dhinac ay bilaabi karaan wadahadallo lagu xalinayo khilaafkii mudada taagnaa ee ka dhaxeeyay.
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay