Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Gaaray Dalka Eritrea Iyo Xogta Ujeedka Safarkiisa(Sawiro)

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Gaaray Dalka Eritrea Iyo Xogta Ujeedka Safarkiisa(Sawiro)

0

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay caasimadda dalka Eritrea ee Asmara.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho afar cisho qaadaneysa uga bilaabatay dalkaasi waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay madaxweyne Isaias Afwerki, iyadoo booqashadan ay noqoneyso midii labaad uu madaxweynaha ku tago dalkaasi.

Sida wararku sheegayaan, madaxweynaha ayaa la filayaa inuu tababar usoo xito ciidamo kumanaan ah oo Eritrea tababar loogu sameeyay, iyadoo talaabada xigta ay noqon doonto sidii looga shaqeyn lahaa in ciidamaddan dib dalkooda loogu soo celiyo.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale ka wada hadli doona xoojinta xiriirkooda iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha amaanks.

Si kastaba, Safarkan ayaa ah kii labaad ee madaxweynaha uu ku tago dalka Eritrea tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May, ayada oo safarkii koowaad uu dhacay 9-kii July 2022.

Ad
Previous articleMadaxweynaha Shiinaha oo ciidamadiisa ku amray iney isku diyaariyaan dagaal
Next articleSweden oo Fureysa Xaruumo Dadka isdhiiba lagu Heyo ka hor inta aan go’an laga gaarin