Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday xarumaha tababarka ciidamada Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday xarumaha tababarka ciidamada Soomaaliya

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday xarumaha lagu tababaro cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ee iskugu jira kuwa gaarka ah ee dhulka, badda iyo cirka oo tababar ku qaadanaya dalka Eritrea.

Booqashada madaxweyne Xasan Sheekh waxaa ku wehliyay madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta dalkaas, Yemane G. Meskel.

Waxa uu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Etirrea uga mahadceliyey ‘sida walaalnimo ah oo ay uga qayb qaadatay nabadda Soomaaliya’.

Eritrea ayaa ciidamo kumannaan ah u tababarta Soomaaliya kuwaasi oo qaarkood dalkaasi la geeyey wixii ka dambgeeyey bishii Diisambar ee sannadkii aynu soo dhaafnay.

Ad
Previous articleDowlada Shiinaha oo Soo Saartay War aysan israail ka Filayn ee Dagaalka Kasocda Qasa
Next articleXamaas waxay doonayaan in laba shardi la oofiyo si aysan dhibaato u gaarin dadka u qafaalan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here