Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Dalka Jabuuti kulan kula leh Lloyd...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Dalka Jabuuti kulan kula leh Lloyd Austin.

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galin dambe ee maanta kula kulmaya magaalada Jabuuti Xoghaya Gaashanadhigga ee dalka Maraykanka Lloyd Austin.

Kulanka madaxweynaha iyo xoghayaha gaashaandhigga ayaa imanaya iyadoo meel qaraar uu marayo dagaalka dawladda Soomnaaliya ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dawladda Soomaaliya ayaa taageero milatari, tababar iyo mid bani’aadminnimo intaba ka hesha dawladda Maraykanka. Milatariga Maraykanku waxay sidoo kale ka caawiyaan dawladda Soomaaliya duqaymaha ka dhanka ah Al-Shabaab.

Jeneraal Austin ayaaa saacadihii hore ee saaka gaaray dalka Jabuuti, halkaasi oo uu sheegay inuu kula kulmayo madaxda waddankaasi iyo saraakiisha gaashaandhigga.

Dhinaca kalena, qandaraasle la shaqeeya Maraykanka iyo mid ka mid ah ciidamada Kenya ayaa lagu dhaawacay rasaas ay Al-Shabaab ku rideen saldhigga ciidamada Kenya ee Kulbiyow oo gobolka Jubada Hoose ee Soomaaliya, sidaasi waxaa VOA u xaqiijiyey sarkal sare oo ka tirsan gaashaandhigga Maraykanka.

Ururka Al-Shabaab ayaa farriin lasoo dhigay barta Telegram ku sheegtay inay weerarkaas ku dhaawaceen afar ka tirsan ciidamada Maraykanka iyo sagaal ka tirsan ciidamada Kenya.

Sarkaalka u hadlay gaashaandhigga Maraykanka ayaa sheegay inaan weerarkaas lagu dhaawicin ciidamo ka tirsan kuwa Marayanka, isla markaana qandaraaslaha la dhaawacay aanu u baahanin in gargaar caafimaad darteed looga qaado saldhiggaas.

Sidoo kale sarkaalka dhinaca gaashaandhigga ee Maraykan ah ayaa sheegay in ciidamada milatariga Maraykanka ee AFRICOM aysan wax duqayn ah ka gaysan Soomaaliya maalintii Jimacaha ee September 22-keeda.

Hadalkan ayaa ka dambeeyey markii ururka Al-Shabaab ay ku eedeeyeen AFRICOM inay ka dambeeyeen duqayn la sheegay inay ka dhacay degaan u dhow Buurdhuxunle oo ka tirsan gobolka Gedo.

Duqayntaas ayaa dawladda federaakka Soomaaliya sheegtay in lagu dilay taliye lagu magacaabo Isaaq Cabdullaahi iyo 7 ilaaladiisa ah.

Hase yeeshee ururka Al-Shabab ayaa iyaguna dhinacooda sheegtay in duqyantaais ay ku dhinteen 8 qof oo isku qoys ah oo ay ku jiraan carruur, taasi oo aan weli si madax-banaan loo xaqiijin.

Ciidanka Puntland oo lagu weeraray buuralayda Xabley ee Gobolka Bari

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ku dhintay, sagaal kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib weerar ay xalay kooxda Daacish kusoo qaadday deegaanka Xabley ee degmada

Ciidanka Ahlu-suna oo dib loo dhisayo si ay u xoojiyaan dagaalka lagula jiro Al shabaab

Hogaamiyaha Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay inay jirto dib u howlgalinta ciidamadii Ahlu Sunna ee Gobolada dhexe ka xoreeyay Al shabaab kuwaasi oo kusoo

Caalamka:- Dibad -baxyo xoogan oo ruxay Gobolo ka tirsan Dalka Turkiga

Tobanaan kun oo mudaaharaadayaal ah ayaa ka qayb qaatay banaanbaxyo ka dhacay guud ahaan dalka Turkiga, kadib markii ninka ay sida weyn u loolamayaan madaxweynaha dalkaasi, Recep Tayyip Erdogan, xabsiga

Ku Dhawaad 145 Somali ku Xirneyd Libiya oo dib loogu soo Celiyay dalkooda

145 muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo ku xirnaa xabsiyada dalka Libya ayaa maanta dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho, kadib muddo sanad ah oo ay xabsiyada Libya ku jireen. Muwaadiniintan, oo

Falastiin oo ka hortimid Qorshe Shacabkeeda loogu soo raro Somaliya

Lataliyaha Madaxweynaha Falastiin Dr. Riyad Malki ayaa ku gacan seyray qorshaha madaxweyne Donald Trump ee ah in Falastiiniyiinta laga raro Qaza loona wareejiyo dalalka Carabta ee Bariga Afrika, sida Suudaan,
Ad
Previous articleMohamed Saalim Mohammed oo Ka Tirsanaa Daacishta Soomaaliya oo Gaajo u Geeriyooday
Next articleQoor Qoor oo ku soo laabtay Dhuusamareeb Booqdayna Guriga Askarigii isku Dhigay Gaarigii Lagu Khaarijin rabay Qoor Qoor iyo Madax kale(Sawiro)