Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Oo Shir Uga Qeybgalaya Muqdisho, Xili Aagga Madaxtooyada Shabaab Laga...

Madaxweyne Xasan Oo Shir Uga Qeybgalaya Muqdisho, Xili Aagga Madaxtooyada Shabaab Laga Saari La’yahay.

0

Shirweynaha Caalamiga ee Malgashiga Soomaaliya oo ay ka soo qeybgaleen Madaxda Dowladda, Hey’adaha ka shaqeeya Mashaariicda, Ganacsatada, Maalgashadayaal caalami ah iyo Martisharaf kale ayaa goordhow ka furmaya magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo ku sugan hoolka uu ka dhacaayo shirka ayaa ka jeedin doonno khudbad uu ku dhiirrigelinaayo Maalgashadayaasha iyo Ganacsatada Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene) ayaa faa-faahin doona doorka Wasaaradda iyo sida ay uga go’antahay maalgelinta iyo dhiirrigelinta maalgashiga hal-buurka leh ee doonya in ay kor u qaadaan wax soosaarka gudaha dalkeena.

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS oo udub dhaxaad u ah shirkan ayaa ku casuumtay dhammaan Maalgashatada ajaanibta ah, Ganacsatada dalka, Qurba joogta iyo kuwa maxalliga ah ee gudaha dalka ka howlagala.

Ka qeyb galka madaxweynaha ee shirkan ayaa kusoo beegmeysa xili kudhowaad 15 saacadood uu aagga madaxtooyada ka socdo dagaal u dhexeeya ciidanka dowladda iyo Shabaab, iyadoo kooxdaasi laga saari la’yahay dhismaha Villa Rosa.

Ad
Previous articleAxmed Madoobe oo Soo bandhigay Ciidamo aan Horay loo arag(Sawiro)
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirweynaha caalamiga ah ee maalgashiga oo laba maalin socon doona(Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here