Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo la Kulmay Safiirada Sacuudiga Iyo Qatar

Madaxweyne Xasan Shiikh oo la Kulmay Safiirada Sacuudiga Iyo Qatar

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wali ku mashquulsan qaabilida iyo la kulanka safiirada wadamada caalamka qaarkood u fadhiya Soomaaliya iyo madax kala duwan.

Xasan Sheekh ayaa saakay la kulmay safiirka dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Hassan bin Hamza Hashem , safiirka ayaana Madaxweynaha ugu hambalyeeyay guusha uu doorashada ka gaaray.

Safiirka dowladda Qatar u jooga Soomaaliya ayaa u sheegay in dowladdiisa ku faraxsan tahay doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh, waxa uuna ballanqaaday safiirka in ay sii xoojinayaan wada shaqeynta dowladda cusub iyo taageerada ay siiyaan.

Dhinaca kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay safiirka dowladda Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya Ahmed Bin Mohamed Al-Muwallad, safiirka ayaa sidoo kale ugu hambalyeeyay Madaxweyne Xasan doorashadiisa.

Safiirka ayaa sidoo kale Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya  soo gaarsiiyay dhambaallo hambalyo ah uu ka siday Boqorka iyo Amiirka Sacuudiga, waxa uuna sheegay safiirka in Sacuudiga diyaar u tahay la shaqeynta iyo taageerada dowladda cusub.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa wali soo gaaraya dhambaallo hambalyo ah oo uga imaanaya qaar kamid ah wadamada caalamka gaar ahaan kuwa xiriirka la leh Soomaaliya.

Muqdisho oo Laga Ambabixiyay Ciidan ka tirsan Booliska oo ku Wajahan Jiidaha Dagaalka:- Sawiro

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa Magaalada Muqdisho ka sagootiyey Ciidamo Boliiska katirsan oo ku

Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay hogaanka howlgalada ciidanka Cirka ee Somaliya :- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Hoggaanka Howlgallada Ciidamada Cirka Soomaaliyeed ayaa ka dhagaystay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan

Dowlada Somaliya oo Lagu Wareejinayo Diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar Akıncı

Somalia ayaa heli doontaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar Akıncı ee casriga ah ee Turkiga si ay uga caawiyaan Ciidanka Xoogga dalka dagaalka ka dhanka ah Alshabaab. Akıncı waxay

Lacagta Dollarka Mareykanka oo Wajaheysa Hoos u Dhicii ugu Xumaa ee Taariikhda

Dollarka Mareykanka ayaa wajahaya hoos u dhicii ugu xumaa tan iyo sanaddii 2008-da, iyadoo ay sii kordhayso welwelka ku saabsan in siyaasadaha dhaqaalaha iyo arrimaha dibadda ee aan la saadaalin

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,
Ad
Previous articleHowlaha ugu muhiimsan ee Xasan Sheekh Horyaallo Toddobaadyada soo socda
Next articleP.M Rooble oo Dardaaran Cajiib ah Madaxweyne Xasan Shiikh