Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa goordhweyd ka degay magaalada Qaahira ee dalka Masar, waa socdaalkii 7aad oo dibadda ah tan iyo markii uu Xafiiska qabtay.
Madaxweynaha ayaa dhammaan safaradaas galayay, iyadoo aanay dalka Xukuumad rasmi ah ka jirin, waxaana Ra’iisul Wasaare Xamse la rafanayaa dhismaha Xukuumad cusub, muddo 30 cisho oo u heystay inuu ku soo magacaabo ayaa berri ku eg.
waxaana uu Guddoonka Golaha Shacabka ka dalbaday muddo 10 cisho dheeri ah oo berri codsigiisa la horgeyn doono Xildhibaannada si ay ugu ogolaadaan.
Ad