Home Wararka Maanta Madaxweyne shaqada ka ceyriyay 428 oo kamid ah cidamadiisa

Madaxweyne shaqada ka ceyriyay 428 oo kamid ah cidamadiisa

0

Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa shaqada ka ceyriyay in ka badan 200 oo askari, oo ay ku jiraan saraakiil sare oo militari.

Sarreeye Gaas Aloys Muganga oo ahaa taliyaha qeybta makaaniga ee ciidanka xoogga dalka iyo Sarreeye Guuto Francis Mutiganda ayaa ka mid ah 16-ka sarkaal ee shaqada laga eryay.

Sidoo kale 228 askari oo kale oo darajooyin kale duduwan kahaya ciidamada ayaa shaqda laga saaray.

Bayaanka oo ay sii daayeen ciidamada difaaca Rwanda (RDF), ayaan lagu sheegin sababta shaqada looga eryay.

Talaabadan ayaa timid maalin kadib markii Mr Kagame uu isku shaandheyn ku sameeyay saraakiisha ugu sareysa ciidamada, isagoo isku mar shaqada ka eryay wasiirkii gaashaandhiga iyo taliyaha ciidamada isagoo ku dhawaaqay badalkooda – waana wax aan caadi ahayn oo ka dhaca Rwanda.

Gen Muganga waxa uu ka qalin jebiyay kuliyada dagaalka ee Maraykanka waxa uuna soo noqday taliyaha ciidamada kaydka ah 2018 ilaa 2019.

Ad
Previous articleGeedka 300 sano jirka ee jabay ee ay ka hoos khudbeeyeen talisyadii Xayla Salaase, Sayid Maxamed Cabdille Xasan iyo Siyaad Barre ee looga naxay sida qof dhintay oo kale
Next articleGacanyarihii Horjooge Cabdiraxmaan Garweyne oo Dowlada usoo gacan Galay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here