Home Wararka Maanta Madaxweyne Ruto oo Farriin adag oo hanjabaad ah u diray Mucaaradka oo...

Madaxweyne Ruto oo Farriin adag oo hanjabaad ah u diray Mucaaradka oo dib u bilaabaya Dibad-baxyada

0

Mucaaradka dalka Kenya uu hoggaamiyo Ra’isul Wasaarihii hore ee dalkaasi Raila Odinga ayaa shaaciyay in ay dib u bilaabayaan dibad-baxyadii ay uga soo horjeedeen dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne William Ruto.

Wadahadalo u socday dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Ruto iyo xisbiga mucaaradka Kenya ayaa la isku fahmi waayay , waxa ayna arrintaasi keentay in mucaaradka ugu weyn Kenya mar kale shaaciyaan in berri oo Talaado ah dib u bilaabayaan dibad-baxyada.

Madaxweynaha Kenya William Ruto a ayaa sheegay in dowladdiisu ay ka go’an tahay in ay gacan bir ah ay ku qabato xasilloonida dalka , waxa uuna cadeeyay in ay si adag u ilaalin doonto ammaanka muwaadiniinta Kenya.

Ruto ayaana uga digay mucaaradka Kenya in ay sameeyaan dibad-baxyo fad-qalo ah oo wax u dhimaya ammaanka iyo xasilloonida dalka, waxa uuna sheegay in aysan marnaba indhaha ka fiirsan doonin ciidamada ammaanka abuurida rabshado micno darro ah.

Ad
Previous articleSirdoonka Turkiga oo dilay Hoggaamiye Abuu Xuseen Al-Qurashi iyo Erdogaan oo Ka Hadlay
Next articleWar Cusub oo kasoo Kordhay Xilkii la Sheegay in loo Magacaabay Jihaan Xasan Shiikh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here