Madaxweynaha Dowlada Galmudug Mudane Axmed Cabdi kaariye ayaa xariga ka jaray warabiyoodka Deegaanka Barwaaqo ee hoos taga degmada Balanbal.
Munaasabaadda Xarig jarka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka mid ah Golayaasha Dowlada Galmudug, Maamulka Degmada balanbal iyo bulshada deeganka barwaaqo.
Bulshada Deegaanka Barwaaqo ayaa Dowlada Galmudug uga mahadceliyay in laga soo jawaabo Codsigoodii ku aadanaa baahida
warbiyoodkaan ay hirgalisay Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Galmudug ayna Maalgalisay Bangiga Aduunka(Worldbank).
Dowlada Galmudug ayaa horey u hirgalisay ilaa 8 warabiyood Deegaanada kala ah Xingod, laas caano, Wad Galinsoor, Biyocade, Barwaaqo, Dibiyalaay, Dudumacade, Guuled bugcad.
Ugu danbeyntii, Madaxweynaha ayaa balanqaaday in laga haqab tiri doono bulshada deegaanka dhamaan baahiyaha aasaasiga ah si ay bulshada horumar dhinac walba ah u gaarto.