Madaxwaynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa Aqalka Madaxtooyada Galmudug ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Raysal Wasaarihii hore ee XFS, Maxamed Xuseen Rooble.
Wafdigaan ballaaran ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid, iyadoona wafdigan ay kamid yihiin madaxwaynihii hore ee Galmudug, mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed, Wasiiro kamid ah XFS, Xildhibaanno katirsan labada Aqal ee BFS, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.
Wafdigaan ayaa soo gaaray magaalada Dhusamareeb kadib martiqaad ay ka heleen madaxwaynaha Dowladda Galmudug, iyadoona ujeedada safarka uu salka ku hayo dhiirogelinta iyo dardargelinta howlgallada dalka looga sifeenayo argagixisada.
Ad