Home Wararka Maanta Madaxweyne Qoor Qoor oo Maanta Qaabilay Wafdi Caalami ah (Sawiro)

Madaxweyne Qoor Qoor oo Maanta Qaabilay Wafdi Caalami ah (Sawiro)

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa Xarunta Madaxtooyada kula kulmay Ku-xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho iyo wafdi ay Hoggaaminayso oo maanta soo gaaray Magaalada Dhuusmareeb.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Galmudug, arrimaha Doorashooyinka iyo sidii loo dardar gelin lahaa,amniga doorashada iyo Arrimaha horumarinta.

Madaxweynaha DGM ayaa dhinaca kale ka warbixiyay howlgalada ka dhanka ah cadowga argagaxisada iyo guulihii u danbeeyay oo laga gaaray. Madaxweynaha ayaa dhinaca kale ka warbixiyay xaaladaha bini’aadanimo ee soo foodsaaray shacabka ku sugan deeganada dhawaan laga sifeeyay argagaxisada.

Dhinaca kale, wafdiga ayaa kulan doceed la qaatay Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Galmudug Marwo Faadumo Cabdi Cali (Faandhe).

Ad
Previous articleQaramada Midoobe wafdi ka socda oo soo gaaray Caasimada Dhuusomareeb
Next articleBoliiska AMISOM oo Lagu Wareejiyay Gaadiid Loogu Talagalay Amniga Doorashada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here