Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweyne Qoor Qoor oo la Kulmay Xubanaha Beesha Caalamka (Sawiro)

Madaxweyne Qoor Qoor oo la Kulmay Xubanaha Beesha Caalamka (Sawiro)

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta la kulmay qaar ka mid ah danjirayaasha beesha caalamka u fadhiya Soomaaliya.

Kulanka oo ay Beesha Caalamka ku matalayeen Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya iyo Danjirayaasha Midowga Yurub, Sweden, Norway, UK iyo diplomasiyiin kale.

Madaxweynaha & xubnaha beesha caalamka ayaa ka wada hadlay dardargelinta doorashooyinka, amniga doorashooyinka, xaqiijinta qoondada haweenka iyo taageerada beesha caalamka ee ku aaddan habsami usocodka doorashada.

Kulanka ayaa dhinaca kale looga hadlay Arrimaha horumarinta Galmudug, amniga iyo la dagaalanka argagaxisada sidii beesha caalamku gacan uga geysan laheed howlahaas lasoo xusay.

Ad
Previous articleGudoomiye Muungaab oo Fal dambiyeed ku tilmaamay Kiiska ikraan Tahliil Baaqna u diray Maxkamadda Ciidamada iyo Farmaajo
Next articleSanater Muuse Suudi yalaxoow oo Mar kale ku guulaystay Doorashada Aqalka sare

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here