Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Taliyaha Ciidamada Xoogga Odowaa Yuusuf, Wasiirka Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur, Xildhibaano Federaalka ah, Wasiirro iyo Xildhibaano ka tirsan Galmudug iyo maamulka caasimadda Dhuusamareeb ayaa galabta gaaray furimaha Sinadhaqo, Gusar, Dhaban-Dhulkuheys iyo Labidulle oo ay ku suganyihiin ciidamada dowladda.
Masuuliyiintan ayaa dhiirrigelin iyo in loo diyaar garoobo dagaal saf ah ugu tagay ciidanka, waxeyna tani kusoo aadeyso xilli gobolada Mudug iyo Galguduud ay ka socdaan diyaar garowgii ugu dambeeyay ee lagu xoreynaayo deegaanada ka maqan maamulka Galmudug.
Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi
Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis
Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada
Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Abaaraha ka jira Puntland oo Saameyn ku yeeshay 800,000 oo qof oo Halkaaasi ku Nool
Ku dhawaad 800,000 oo qof oo ku nool Puntland ayaa wajahaya xaalado nololeed oo aad u liidata, taasoo ka dhalatay roob la’aantii ka dhacday xilligii Deyrta 2024 iyo saadaasha roob
Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah
Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni
Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay
In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.
Ad