Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweyne Qoor Qoor oo kulan aan Caadi ahayn la Yeeshau Golaha Wasiirada...

Madaxweyne Qoor Qoor oo kulan aan Caadi ahayn la Yeeshau Golaha Wasiirada Galmudug(Sawiro)

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo ahaa kulan aan caadi aheyn oo uu goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug mudane Cali Daahir Ciid.

Ugu horreyn shirka ayaa waxaa warbixin ku saabsan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab deegaannada Galmudug looga dhageystay wasiirka wasaaradda amniga.

Sidoo kale ; kulanka waxaa warbixin ku saabsan miisaaniyad sannadeedka 2024-ka looga dhageystay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Galmudug. Golaha wasiirrada ayaana dood dheer kaddib cod gacan taag ah ku ansixiyay miisaaniyadda 2024-ka.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa isagoo ka duulaya dardargalinta howgalka wajiga labaad waxa uu magaacaabay guddiyo ka tirsan Golaha Wasiirrada oo ka howl gali doona aagagga dagaalka. Sidoo kale madaxweynaha ayaa Golaha uga mahadceliyay ansixinta miisaaniyadda 2024-ka.

Ad
Previous articleSucuudigu muxuu ka yiri dagaalka lagu Laayay Israel ee Saakay ka Dhacay Qasa
Next articleXamaas oo ku dhawaaqday “Guul weyn” oo ay ka gaartay weerarkii maanta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here