Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa hambalyo u diray ciidamada Xoogga Dalka, ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo xoogagga deegaanka oo in ka badan 60 tirsan argagaxisada Al-Shabaab ku dilay deegaanka Ceel-qaboobe oo ka tirsan Gobolka Mudug ee Dowladda Galmudug, kuwaas oo isku diyaarinayay weerar ay kusoo qaadaan ciidanka mujaahidiinta ah ee dadka iyo dalka Soomaaliyeed ka difaacaya argegagxisada.
Madaxweynaha ayaa yiri “ Waxaa mahadsan Allaah oo ciidanka iyo bulshada deegaanka haleeshiiyay guul muhiim ah, waxaa ammaan mudan bulshada deegaanka sida ay mar walba uga dhiidhiyaan in aragagxisadu adeegsato dhulkooda, diidmadaas argagaxisda dhaxalsiiyay jabkaan iyo kuwa la mid ahaaba”
Dhammaad
Ad