Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweyne Qoor Qoor oo Gaaray Deegaanka Laandheer oo Ay Ku dhinteen Ku...

Madaxweyne Qoor Qoor oo Gaaray Deegaanka Laandheer oo Ay Ku dhinteen Ku dhawaad 60 Qof(Sawiro)

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa gaaray deegaanno ka tirsan waqooyiga Gobolka Galgaduud, kuwaas oo maalmo ka hor uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya beelo walaala ah oo ood wadaag ahaa.

Madaxweynaha oo halkaas ka furay gogol nabadeed ayaa la kulmay odayaasha iyo wax garadka labada dhinac, isagoo kala hadlay sida ay muhiim ugu tahay in ay gaaraan xal deg deg ah iyo nabad waarta oo labada dhinac dhex marta.

Si guud billawga gogosha ayaa la isla qaatay saddex qodob oo kala ah;

1: In xabbad joojinta la is la qaatay, sidoo kalana lala shaqeeyo ciidammada amniga.

2: In la kala qaado maleeshiyaadka.

3: In dhinacyadu usoo diyaar garoobaan gogol nabadeed oo caasimadda Dhuusamareeb la dhigay.

Ad
Previous articleQoor Qoor oo Ku Wajahan Degaan ka Tirsan Galmudug oo Ay ku Dhinteen inka Badan 60 Qof
Next articleDowlada Soomaaliya oo Go,aan Ka Gaartay Arin Dadka Soomaaliyeed Dhib Wayn ku Qabeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here