Home Wararka Caalamka Madaxweyne Putin oo Qalinka Ku Duugay in afar ka mid ah gobolada...

Madaxweyne Putin oo Qalinka Ku Duugay in afar ka mid ah gobolada Ukraine lagu daro Ruushka

0

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa saxiixay sharci Ruushka uu ku goostay dalkiisana ugu darsaday afar gobol oo ka tirsan Ukraine, sida ku cad dokumenti dowladeed.

Sida sharcigu qorayo gobollada Donetsk, Lugansk, Kherson iyo Zaporizhzhia ayaa waxaa laga aqbalay inay ku biiraan federaalka Ruushka.

Putin ayaa sidoo kale saxiixay dikreeto uu si rasmi ah ugu magacaabay madaxda Moscow ay taageerto ee afartaas gobol, si ay u noqdaan sii-hayayaasha xilalkaas.

Sharcigan ayaa waxaa si aqlabiyad leh u ansixiyey labada aqal, hoose iyo sare, ee Baarlamanka Ruushka.

Talaabada  Ruushka inkastoo waxaa cambaareeyey Xukuumada Kyiv iyo xulufadeeda Reer Galbeedka.

Afarta gobol iyo jasiirad u yaalka Crimea oo Moscow ay goosatay 2014 Marka la isku geeyo ayaa ah 20 boqolkiiba dhulka Ukraine.

Hase yeeshee ciidamada Ruushka si buuxda uma Maamulaan Kherson iyo Zaporizhzhia oo qeybo ka mid ah ay joogaan ciidamada Ukraine.

Ad
Previous articleWiilka uu dhalay Madaxweyne Musaveni oo guur ka dalbaday Ra’isul Wasaraha cusub ee Talyaaniga
Next articleWafdi Ka Socda Algeria Oo Soo Gaaray Muqdisho, Fariin Xasaasi Ahna U Keenay Madaxweynaha.(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here