Home Wararka Maanta Madaxweyne Muuse Biixi Oo War Kasoo Saaray Magacaabista Ergeyga Cusub

Madaxweyne Muuse Biixi Oo War Kasoo Saaray Magacaabista Ergeyga Cusub

0

Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa soo dhaweeyey magacaabista madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u magacaabey Ergey Gaar ah ee arrimaha Soomaaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Madaxweynaha ayaa go’aankan ku sheegay inuu yahay talaabo hore loogu qaaday dhinaca wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland, isagoo ergeyga ku sifeeyay mid wax badan ka fahansan siyaasada iyo howsha loo xil saaray

Mucaaradka Somaliland ayaa sidoo kale soo dhaweeyay magacaabista ergeyga, iyagoo sheegay iney la shaqeynayaan.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Ucid Faysal Cali Waraabe oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay magacaabista Guuleed ee arrimaha Somaliland, xilli uu muddo hakad ku jiray wada-hadalada labada dhinac

Ad
Previous articleOdayaasha SSC oo War kasoo saaray Ergayga Madaxweynaha u Magacaabay Wadahadalada Somaliland
Next articleQarax Hadiyad laga Soo Dhigay ah oo lagu dilay Vladen Tatarsky (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here