Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Madaxweyne Laftgareen oo la Kulmay Isha Dyfan

Madaxweyne Laftgareen oo la Kulmay Isha Dyfan

0
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagaren ayaa Qaabilay Khabiirka Madaxa Bannaan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya Isha Dyfan.
 
Kulan Saacado qaatay oo wefdiga ka socday Qaramada Midoobay iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxay uga wada hadleen Abaaraha ,Biya la’aanta , Xaquuqda Aadanaha iyo Xuriyatal qowlka.
 
Madaxweyne Laftagareen ayaana warbixin faah faahsan wefdigan ka siiyay xaalada deegaanada Koonfur Galbeed gaar ahaan dhinaca abaaraha iyo sidoo kale Xaquuqda Aadanaha iyo Xuriyatal qowlka.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka dhacay tacadiyo ka dhan ah xaquuqda aadanaha sida dilal iyo xarig intii ay socotay doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagreen kusoo baxay.
Maamulka Madaxweyne Laftagareen ayaa lagu eedeeyaa in aysan ilaalin xaquuqda dadka kunool deegaanadAasi gaar ahaan warbaahinta, waxaana maamulkaasi cabsi gelin ku hayaan wariyaasha madaxa banaan iyo siyaasiyiin kasoo horjeeda maamulka KG.
Ad
Previous articleDil ka dhacay Magaalada Jowhar iyo Xiisad ka Dhalatay Dilkaas oo Ka Taagan Jowhar
Next articleFashil markale Ku Yimid Doorashadii Garbahaareey