Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Madaxweyne Laftagareen Oo Shaado Siiyay Baarlamaanka Laga Soo Doorto Koonfurgalbeed(Sawiro)

Madaxweyne Laftagareen Oo Shaado Siiyay Baarlamaanka Laga Soo Doorto Koonfurgalbeed(Sawiro)

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Shahaadada Kumeel Gaarka ah guddoonsiiyey Xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamanka JFS ee ku madali doona Koonfur Galbeed.

Munaasabad kooban oo ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Laftagareen ku guddoonsiiyay shahaada aqoonsiga Xildhibaanimo Senataro iyo xildhibaano katirsan Aqalka Hoose oo lagu doortay Koonfur Galbeed.

Xildhibaanada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shahaadooyinka guddoonsiiyay waxaa ku jira xildhibaano doorashadooda hakiyeen guddiga doorashada heer federaal ,kuwaa oo siyaabo aysan raali ka aheyn guddiga doorashada kusoo baxay.

Guddiga doorashada heer federaal ayaa dhawwaan la filayaa in Xildhibaanada labada aqal ee la doortay in ay diiwaangeliyaan ayna si rasmi ah u shaaciyaan natiijadooda,  kaddibna la dhaariyo si ay u doortaan guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Ad
Previous articleJoe Biden oo Gaaray Xadka Dalka Ukrain
Next articleIsbadal Lagu Sameeyey odayaasha Soo Xulaaya ergada HOP58 oo Maantay Gacan ka Hadal Kusigtay