Home Wararka Caalamka Joe Biden oo Gaaray Xadka Dalka Ukrain

Joe Biden oo Gaaray Xadka Dalka Ukrain

0

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa booqasho aan horey loo sii shaacin ku tagay xero ciidamada cirka ee Mareykanka ku leeyihiin xadka ay wadaagaan Wadamada Poland iyo Ukraine  .

Joi Biden ayaa ku ammaanay dowladda Poland sida ay u caasiwasay dadka kasoo qaxay colaada dalka Ukraine ka taagan,waxa uu sidoo kale boggaadiyay shaqaalaha bini’aadanimo ee u taagan caawinta dadka kasoo qaxay duullaanka Ruushka.

Madaxweynaha dalka Mareykanka oo tagay saldhiga ciidamada Mareykanka ku leeyihiin xadka u dhaxeeya Poland iyo Ukraine ayaa kala hadlay saraakiisha ciidanka dagaalka ka socda Ukarine iyo doorka ciidamada Mareykanka ee qeybta ka ah NATO.

”Waxaad dhexda kaga jirtaan dagaalka u dhexeeya dimuqraadiyadda iyo kuwa kasoo horjeeda ee Ruushka, Waxaad tihii xoogga dagaalka ee ugu wanaagsan adduunka, taasina maaha mid buun-buunin ah,” ayuu yiri Madaxweyne Biden.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in ciidamada Ruushku sidii ay filayeen si ka duwan kala kulmeen duullaanka Ukraine, waxa uuna xusay in hada  weeciyeen weerarkii militari ee uu ka wadeen caasimadda Ukraine ee Kyiv  una jiheysteen dhanka bari.

Ciidamada Ruushka ee duullaanka ku qaaday dalka Ukraine ayaa khasaaro badan kala kulmay dagaalka, waxaana saraakiisha reer Galbeedka sheegayaan in ciidamada Ruushka ku adkaatay sii wadista dagaalka ay ka wadaan gudaha Ukraine.

Ad
Previous articleXikdhibaan Nuur Idoow oo ka Tanaasulay Tartanka Kursiga HOP058 iyo Sanbaloolshe oo laga Yaabo inuu Ku Guulaysto
Next articleMadaxweyne Laftagareen Oo Shaado Siiyay Baarlamaanka Laga Soo Doorto Koonfurgalbeed(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here