Home Wararka Caalamka Madaxweyne kuxigeenka Arjantiin oo ka hadashey dil ay ka badbaaday

Madaxweyne kuxigeenka Arjantiin oo ka hadashey dil ay ka badbaaday

0

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Arjantiin, Cristina Fernández de Kirchner, oo ka badbaaday isku day dil, ka dib markii nin hubaysani uu isku dayey inuu qaarajiyo, ayaa sheegtay inay xag Ilaahay ka nooshahay.

Hadalkan ugu horreeyay ee dadwaynaha loo soo gudbiyey tan iyo weerarkii 1-dii bishan Sebtembar ee ka dhacay magaalada Buenos Aires, ayaa waxay sidoo kale daaha laga qaaday in baadariga, Pope Francis, uu u yeeray maalintii xigtay, si uu ugu qalbi qaboojiyo.

Fernando Sabag Montiel, 35 jir ah, iyo saaxiibtiis Brenda Uliarte, 23 jir ah, ayaa lagu eedeeyay isku day dil. Labaduba way dafireen inay wax lug ah ku leeyihiin isku dayga dil.

Fernández de Kirchner, oo 69 jir ah, oo ka hadlaysa kulan ay la yeelatay wadaaddo iyo sooro maalintii Khamiistii, ayaa tiri: “Waxaan dareemayaa inaan Ilaah xagiis ka noolahay, dhabtii.

Waxay sidoo kale u mahadcelisay Baadari Francis, oo soo wacay saacado yar kadib weerarkii fashilmay.

“Baadari Francis ayaa isoo wacay goor hore maalintii xigtay, ayey tiri madaxweyne ku xigeenka.

Dhacdadan ayaa dhacday iyadoo Fernández de Kirchner ay taageerayaasheeda ku gacan qaadeysay bannaanka gurigeeda.

Dadweyne aad u tiro yar, ayaa isugu soo baxay, si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan madaxweyne ku xigeenka, oo hadda dacwad lagu soo oogay, tasoo oo la xiriirta musuq maasuq.

Markaa ayaa nin uu madaxa kaga dhuftay bastoolad. Markii uu dhacayey falkaasi, ayaa waxaa laga duubay muuqaal.

Fernando Sabag Montiel, oo ku dhashay Brazil, balse tan iyo yaraantiisii ​​ku noolaa Arjantiin, ayaa lagu xiray goobta daqiiqado ka dib dhacdada. Gabadhii saaxiibtii ahayd ayaa la xidhay dhawr maalmood ka dib.

Baarayaasha ayaa wali isku dayaya inay ogaadaan sababtii ka dambeysay weerarka la doonayey in lagu dilo Fernández de Kirchner, oo ah siyaasiyad garabka bidix ah.

Ka hor inta aysan noqon madaxweyne ku xigeenka sanadkii 2019-kii, ayaa waxay soo noqotay madaxweynaha Argentina sanadihii 2007-dii illaa iyo 2015-kii, iyo marwada koowaad ee 2003-dii ilaa 2007-di.

 

 

Ad
Previous articleLeylo Cabdi Maxamed oo Sabab yaab leh isug Dishay Hargaysa?
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Maraykanka Ku Dacweeyey Madaxweynaha eriteeriya xili uu u Diiday……