Home Wararka Maanta Madaxweyne ku xigeenka cusub ee Kenya oo faahfaahin ka bixiyay labis xumadiisa.

Madaxweyne ku xigeenka cusub ee Kenya oo faahfaahin ka bixiyay labis xumadiisa.

0

Madaxweyne ku xigeenka la doortay ee Kenya Rigathi Gachagua ayaa saaka faahfaahin ka bixiyay sababta uu labiskiisa u xun yahay.

Rigathi Gachagua ayaa baraha bulshada kala kulmay jees jees ku aadan labis xumadiisa gaar ahaan shaararka iyo dharka isku joogga ah uu xirto.

Wuxuu warbaahinta gudaha u sheegay in waxa uu diiradda saarayo ay tahay sidii uu qoyskiisa ku ilaalin lahaa una xaqiijin lahaa in William Ruto uu noqdo Madaxweyne.

Rigathi Gachagua oo saaka ku sugnaa gurigiisa ayaa shacabka Kenya ka codsaday inay u qabtaan muddo saddex bilood ah isla markaana uu iska dhimi doono miisaankiisa sii uu sameeyo isbaddal ku aadan labiskiisa.

Ad
Previous articleWar Deg Deg Ah: Maamulka Galmudug oo Mudo Kordhin Loosameeyey
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay Caleemo saarka William Ruto (Sawirro)