Home Wararka Caalamka Madaxweyne ka cararay Xaruntiisa Madaxtooyada kadib Markii Banaanbaxayaal Caraysan u galeen (Sawirro)

Madaxweyne ka cararay Xaruntiisa Madaxtooyada kadib Markii Banaanbaxayaal Caraysan u galeen (Sawirro)

0

Madaxweynaha Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa ayaa Sabtida maanta ah ka cararay gurigiisa rasmiga ah wax yar ka hor inta aysan mudaaharaadayaasha ka careysan dhibaatada dhaqaale ee aan horey loo arag ee dalkaasi ka jirta xoog ku galin qasriga madaxtooyada aysanna la wareegin xafiis kiisa u dhow.

Sida ay booliisku qiyaaseen, boqollaal kun oo qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka agagaarka guriga madaxweynaha, iyaga oo dalbanayay in uu xilka ka dago sababo la xiriirta dhibaatada dhaqaale ee dalka ka jirta.

Kadib markii ay xoog ku galeen albaabada xarunta Madaxtooyada, ayaa waxaa baraha bulshada si toos ah looga baahinayay dadweyne dhex mushaaxaya qolalka madaxtooyada, iyadoo qaar ka mid mudaaharaadayaashu ay isku tuureen barkadda lagu dabaasho ee madaxtooyada.

Qaarkood ayaa la arkayay iyaga oo qoslaya oo jiifa qolalka jiifka ee quruxda badan ee qeybta deegaanka, iyado intii aaney mudaaharadayaashu gudaha soo gelin ay ciidamadu rasaas fureen si ay dib ugu celiyaan islamarkaana si nabad ah Rajapaksa looga saaro qasriga.

“Madaxweynaha si nabad ah ayaa goobta looga saaray,” ayuu sarkaal sare u sheegay wakaaladda wararka AFP. “Wali waa madaxweyne, waxaana ilaalinaya unug ka tirsan ciidamada militariga.”

Qasriga uu banneeyay ayaa ah mid ka mid ah astaamaha ugu muhiimsan ee dowladda Sri Lanka, waxaana saraakiishu sheegeen in bixitaankiisu ay keeneyso su’aalo ah haddii uu wali doonayo in uu xilka sii hayo.

Sarkaal kale ayaa u sheegay AFP in ay wali sugayaan amar, aysanna ogeyn halka uu madaxweynuhu ku sugan yahay, isaga oo intaa ku daray in ay kaliya og yihiin in uu nabad qabo uuna la joogo ciidamada badda.

Saddex qof ayaa la dhigay isbitaal ka dib markii la toogtay iyadoo 36 qof oo kale iyana lagu dabiibayo isbitaalka kuwaasi oo dhibaato xagga neefsiga ahi ka soo gaartay markii sunta dadka ka ilmaysiisa loo adeegsaday meel aan ka fogeyn guriga madaxweynaha, sida ay sheegtay afhayeenka cisbitaalka guud ee caasimadda Colombo.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleArrinta aan laga warqabin ee ka dhacday qolkii lagu dilay Saadaam Xuseen.
Next articleMadaxweynaha Soomaaliya oo si weyn Loogu soo dhaweeyay Elateriya