Home Wararka Maanta Madaxweyne ISmaaciil Cumar Geele oo Soo Gaaray Muqdisho Si wayna Loogu Soo...

Madaxweyne ISmaaciil Cumar Geele oo Soo Gaaray Muqdisho Si wayna Loogu Soo Dhaweeyey(Sawiro)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda dalka Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Gelle ayaa goordhow kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, halkaas oo uu ku soo dhoweeyay dhiggiisa Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul wasaaraha iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka ayaa sidoo kale qayb ka ahaa soo dhoweynta ballaaran ee loo sameeyay wafdiga madaxweyne Geelle.

Intaas kadib madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya, kuwaas oo loo diyaariyay soo dhoweynetiisa.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa waxaa loo galbiyay qasriga madaxtooyada, halkaas oo ay wadahadallo ku yeelan doonaan, isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale xarigga ka jari doono dhismaha xarunta Akadeemiyada Afka Soomaaliga ee AGA.

Xaruntaas oo loo aas-aasay inay kaalin weyn ka qaadato soo nooleynta Af-Soomaaliga waxaa dhistay dowladda Jabuuti, waxayna ku taallaa degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho.

Ammaanka ayaa sidoo kale maanta aad loo adkeeyay, waxaana la xiray waddooyinka, sidoo kale waxaa la hakiyay duulimaadyadii maanta imaan lahaa magaalada Muqdisho.

Ad
Previous articlePuntland oo ku baaqay in si isku mid ah loola dagaalamo Al Shabaab iyo Somaliland
Next articleDil loo geestay Haweeney Xaamilo ah oo Qareen Aheyd oo Carro ka dhalatay Dalka Nageria

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here