Home Wararka Maanta Madaxweyne Galmudug oo shaaciyay Ujeedka uu ugu tagay Sheekh Aadan Madoobe

Madaxweyne Galmudug oo shaaciyay Ujeedka uu ugu tagay Sheekh Aadan Madoobe

0
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa booqasho ugu tagay Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya, Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).
 
Madaxtooyada Galmudug ayaa shaacisay booqashada madaxwaynaha ujeedkeedu ahaa salaan, hambalyo iyo bogaadin  Sheikh Aadan Madoobe loo doortay gudoomiyaha BFS, waxa uuna madaxwaynuhu u rajeeyay in Eebbe u fududeeyo xilka culus ee loo doortay Gudoomiyaha.
Madaxweyne Qoor Qoor iyo guddoomiyaha cusub ee gollaha shacabka ayaa kawada hadlay dhameestirka doorashada gaar ahaan qabashada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo la filayo in maalmaha soo socda dhacdo.
Guddoomiyaha cusub ee gollaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa kulamo kala duwan la qaatay madaxda ugu sareysa dalka, qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada iyo sidoo kale musharaxiin kuwaa uu kala hadlay dhameestirka doorashada.
Ad
Previous articleMadaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, oo Dalalka reer Galbeedka Hordhigay Dalab Cajiib ah oo lagu soo afjaraayo Dagaalka Ukrain ka Socda.
Next articleShir Amniga Looga Hadlayay oo Lagu Qabtay Caabudwaaq Xili Dilal Badan Ka Dhaceen Magaaladaas(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here