Home Wararka Maanta Madaxweyne Farmaajo oo ubax dhigay Taalada Daljirka Dahsoon {Sawiro}

Madaxweyne Farmaajo oo ubax dhigay Taalada Daljirka Dahsoon {Sawiro}

0
Madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maamuusaya halgameyaashii Soomaaliyeed ee naftooda iyo dhiiggooda u huray Xorriyadda Gobollada Waqooyi iyo guud ahaan halgankii gobannimo doonka ee Dalka ayaa ubax dhigay taallada Dhagax-tuur ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha oo tilmaamay halgankii adkaa ee loo soo maray madax-bannaanida Dalka ayaa xusay in Taallada Dhadax-tuur ay tahay astaan u taagan xusuusaha lama illaawaanka ah ee halgankii loo soo galay gobannimada, waxa uuna dul istaagay caqabadihii ay la kulmeen halyeeyadii Soomaaliyeed ee inoo horseeday xorriyadda, qarannimada iyo gobannimada dalkeenna.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo muujinaya sharafta iyo qiimaha ay inaga mudan yihiin geesiyaashii Soomaaliyeed ee u soo halgamay Xorriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyay midnimada, waddaniyadda, wadajirka iyo isku duubni sal adag leh, si loo xaqiijiyo dhaxalkii ay ka tageen ee ilaalinta gobannimadeenna.
Munaasabadda Ubax-dhigga Taallada Dhagax-tuur waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed, Wasiirro ka tirsan XFS, dhallinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo si mug leh u maamuusayey halyeeyadii u shahiiday gobanimadeenna.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleMadaxweyne Qoor Qoor oo ku goodiyay in Howlgal ka dhan ah Shabaab la qaadayo
Next articleMadaxweynaha Galmudug oo Magacaabay Garsoorayaal {Akhriso}