Home Wararka Maanta Madaxweyne farmaajo oo La Kulmay Nana Akufo-Addo Arimo Muhiim ahna Kala Hadlay.

Madaxweyne farmaajo oo La Kulmay Nana Akufo-Addo Arimo Muhiim ahna Kala Hadlay.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa  kulan-doceed barbar socda Shir-madaxeedka 35-aad ee Midowga Afrika, la qaatay dhiggiisa Jamhuuriyadda Ghana Mudane Nana Akufo-Addo.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iyaga oo ay Madaxweyneyaashu isla qaateen in ay si buuxda isaga kaashadaan horumarinta iyo ka wada shaqaynta danaha labada dowladood iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Ghana.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa kulan la qaatay dhigiisa  Zambia Mudane Hakainde Hichilema, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo horumarinta iskaashiga ku qotoma danaha Labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Zambia.

Ad
Previous articleQoor Qoor oo La Kulmay Mehmet Yilmaz Balanqaadna Ka Helay(Sawiro)
Next articleDeg Deg: Khilaafan Xoogan oo Soo Kala Dhexgalay Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal.