Home Wararka Maanta Madaxweyne Farmaajo oo Ku Faanay Hal Arin Dowladiisu Qabatay

Madaxweyne Farmaajo oo Ku Faanay Hal Arin Dowladiisu Qabatay

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May awgeed, waxaa uu dhambaal hambalyo ah u diray dhammaan Shaqaale Weynaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda.

Madaxweynaha ayaa xusay doorka taariikhiga ah ee shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku leeyihiin sooyaalka dalkeenna, iyaga oo saldhig u ahaa halgankii xurnimo doonka iyo aasaaskii qarannimadeenna, waxaana uu Shaqaalaha Soomaaliyeed ku bogaadiyey dadaalka ay soo geliyeen dowlad-dhiska iyo horumarinta dalkeenna.

“Waxaan Shaqaale Weynaha Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa, Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May. Shaqaalaha Soomaaliyeed waxa ay ku tilmaaman yihiin hawl-karnimo, hufnaan iyo dhabar adayg, iyagoo ay ka go’an tahay horumarinta dalkooda iyo dadkooda. Waxaan ku boorrinayaa in ay dadaalkooda sii labo jibbaaraan, si aan u xaqiijinno hiigsigeenna dowlad-dhiska iyo horumarinta dalkeenna.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dawladdu ay xoogga saartay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed, iyada oo la dardar geliyey dadaallada ku aaddan xoojinta iskaashatooyinka dalka, ururrada shaqaalaha iyo ururrada bulshada rayidka ah.

“Tan iyo sanadkii 2017-kii, waxaan xaqiijinnay joogteynta xuquuqda mushaharka ee shaqaalaha dawladda. Sidoo kale, waxaannu meel marinnay siyaasado iyo shuruuc kala duwan oo ay ku jiraan kuwo caalami ah, oo door weyn ka qaadanaya horumarinta shaqaalaha Soomaaliyeed.”

 

 

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ku baaqay in la ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed, ayaa u duceeyey waalidiinta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku naf waayey iyaga oo maskaxdooda iyo muruqooda ugu adeegaya dalkooda.

Hadalka madaxweyne Farmaajo ayaa kusoo aadayo xilli rajadiisa doorashada ay aad hoos ugu dhacday markii la doortay guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka yimid dhanka mucaaradka.

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous articleDowlada Ingiriiska oo Ka Digtay Weeraro Alshabaab Qorsheeyeen
Next articleXildhibaan UK oo lagu qabtay isagoo Daawanaya muuqaal anshax xumo ah iyo wixii ku dhacay.