Home Wararka Maanta Madaxweyne Farmaajo oo si Kulul uga Hadlay Geerida Shiikh C.naasir oo...

Madaxweyne Farmaajo oo si Kulul uga Hadlay Geerida Shiikh C.naasir oo kismaayo lagu Dilay

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Sheekh Cabdinaasir Xaji Axmed oo ku shihiiday qarax ay kooxaha arxan-laaweyaasha Argagixisada ahi kula eegteen magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa xusay in Sheekh Cabdinaasir ahaa daaci weyn oo lafdhabar u ahaa fidinta diinta islaamka iyo ilaalinta caqiidada suubban ee ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna Madaxweynuhu tilmaamay in falkaas arxandarrada ah uu ka marag kacayo sida ay argagixisadu duullaan ugu tahay diinta islaamka iyo nolosha haldoorka Soomaaliyeed.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariistee Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo argagixisada cadowga ku ah jiritaanka ummadda Soomaaliyeed ay ku dhishay magaalada Kismaayo. Sheekh Cabdinaasir waxa uu ahaa daaci weyn oo noloshiisa oo dhan u huray fidinta diinta islaamka.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, waxa uuna caafimaad degdeg u rajeeyey culimada iyo muwaadiniinta kale ee dhaawacu ka soo gaaray falkaas arxan darrada ah.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleShiikh Caan oo Goordhow qarax loogu Dilay Magaalada Kismaayo
Next articleLix Degmo oo Maka mid ah Degmooyinka Muqdishu oo Mar Qur ah La Weeraray Xili Duhur ah iyo Ragii Weerar oo lasoo Qabtay