Home Wararka Maanta Madaxweyne Deni oo casuumaad u Fidiyay Ciyaartooydiii wacdaraha Ka Dhigay Adisababa

Madaxweyne Deni oo casuumaad u Fidiyay Ciyaartooydiii wacdaraha Ka Dhigay Adisababa

0

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH, ayaa maanta kormeeray Xafiiska Ururka KAAH ee Gobolka Nugaal, halkaasi oo u kulan Kula qaatay Masuuliyiinta Ururka ee heer Gobol.

Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH, ayaa boggaadiyay shaqada uu hayo Xafiiska Ururka ee Gobolka Nugaal, isagoo la wadaagay in si wanaagsan loogu diyaargaroobo Doorashooyinka soo socda.

Dowladda puntland waxaa ka go’an Sidii awooda loogu dhoweyn lahaa Shacabka oo ay usoo dooran lahaayeen dadka metelaya, Doorashada qof iyo cod oo hore uga dhacday Qardho, Eyl iyo Ufeyn ayaa wejiga labaad hadda la qorsheynaya in ay ka dhacdo 37degmo oo ay soogudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowladda Puntland ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa isagoo ku hadlaya Afka Urur Siyaasadeedka KAAH, wuxuu ku dhawaaqay inuu ku martiqaadayo Puntland kooxda kubadda Cagta Soomaaliya ee ku guuleystay tartanka da’yarta Bariga iyo Bartamaha Africa.

Deni ayaa sheegay in Kharashka iyo wixii ku baxaya casuumada ciyaartoydaas uu Ururka KAAH bixin doono.

“Hambalyada iyo Bogaadinta aan u direyno Kooxda Kubadda Cagta ee Soomaaliyeed, ee ku guuleysatay tartanka da’yarta Bariga iyo Bartamaha Africa, waxaa inoo dheer in anigoo ah Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH aan halkan kaga dhawaaqayo, in Ururku uu Puntland ku martiqaadayo Kooxda Kubadda Cagta ee Soomaaliya taariikhda usoo hoysay.

Waa madaxweyne goboleedkii ugu horeeyey ee casuumaad u fidiya kooxda kubadda Cagta Soomaaliya ee ku guuleystay tartanka da’yarta Bariga iyo Bartamaha Africa oo beri la filayo iney ku soo laabtaan dalka.

Ad
Previous articleCiise Sheekh Ibraahim oo lagu dilay Muqdisho iyo Faahfaahino kasoo baxaya cida dishay
Next articleXiisad Cusub Oo Ka Dhex Qaraxday Giriiga Iyo Turkiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here