Home Wararka Maanta Madaxweyne Ciro oo ku Dhawaaqay Dal wayn oo Dhawaan aqoonsan Doona Soomaaliland

Madaxweyne Ciro oo ku Dhawaaqay Dal wayn oo Dhawaan aqoonsan Doona Soomaaliland

0

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo maanta ka qeyb-galay Shirka Dawladaha Adduunka ee ka furmay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay dal ay weyn uga sugayaan ictiraafka ay mudada badan raadinayeen.

Madaxweyne Cirro ayaa sheegay inuu rajeynayo in Mareykanku noqdo dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada Somaliland, xilli dhawaan hadal-haynta arrintaan ay si weyn u faaftay, wallow su’aal la geliyay in qorshaha ugu jirto madaxweynaha cusub ee Mareykanka, Donald Trump.

“Waxaan rajaynaynaa in Mareykanku noqdo dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada Somaliland,” ayuu yiri madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.

Sidoo kale wuxuu madaxweynaha Somaliland nasiib darro ku tilmaamay midowgii Somaliland gashay sannadkii 1960-kii, kaas oo uu sheegay in xilligaas looga gol lahaa in lagu raadiyo Midnimo Soomaaliyeed, balse Somaliland lasoo noqotay madax-bannaanideeda markale 1991-kii.

Hadal-jeedinta Cirro oo isugu dhafnayd mid uu ku iibgeeynayey qaddiyada Somaliland ee aqoonsi raadinta ayaa ku dheeraaday wixii u qabsoomay soddonkii sano ee la soo dhaafay, goobta ay ku taallo iyo muhiimadda ay u leedahay in ay hesho aqoonsi caalami ah.

Shirkan oo ay kasoo qeyb-galeen madax kala duwan oo ka socota daafaha adduunka, ayna qeyb ka yihiin wasiiro ka socda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu madaxweynaha Somaliland ka sheegay in ay yihiin dal madax-banaan oo xaq u leh inuu helo ictiraaf caalami ah, xilli adduunku u aqoonsan yahay maamul ka tirsan Soomaaliya.

Waxa uu intaas kusii dareyna “Waxaan rajeynayaa in aannu dhammaystirno heshiiska isu gudbinta badeecadaha ee Itoobiya iyo Somaliland ka hor dhamaadka sannadkan aan ku jirno.”

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleXildhibaankii ugu horeeyey oo maantay ku dhawaaqay inuu mushaarkiisa bishaan u hibeeyey Ciidamada Puntland
Next articleKu dhawaad 30 Askari oo Ka tirsanaa ciidamada Puntland oo Daacish Hal goob ku dishay