Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqo Liiska musharaxiinta Aqalka sare, Balse waxaa culeys weyn ka taagan yahay. Kursiga Aqalka sare ee Beesha Jareerweyne, kaas oo la isku heysto.
Sida ay ilo xog ogaal ah ayaa sheegeen, madaxweynaha Hirshabeelle ayaa damacsan inuu Kursiga beesha oo hadda ay ku fadhiso Senator Fartuun Karaama uu u xiro Fahad Yaasiin oo ah gacanta midig ee madaxweyne Farmaajo.
13- xildhibaan oo beesha Jareerweyne ku matala Baarlamaanka Hirshabeelle oo hadda ku sugan madaxtooyada Hirshabeelle ayaa la balansan Madaxweyne Cali Guudlaawe si ay kagala hadlaan walaaca ay arrintaan ka qabaan.
Beesha ayaa si weyn u diidan in halka kursi ee Beesha Aqalka sare ku leedahay lala wareego.
Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada
Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka