Home Wararka Caalamka Madaxweyne Biden oo Booqday schoolkii Dhawaan Lagu Dilay araday Farabadan(Sawiro)

Madaxweyne Biden oo Booqday schoolkii Dhawaan Lagu Dilay araday Farabadan(Sawiro)

0

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden iyo xaaskiisa Jill ayaa booqasho ku tagay iskuulka Robb ee kuyaalla magaalada Uvalde ee gobolka Texas, halkaas oo maalmo kahor uu ka dhacay weerar lagu dilay in ka badan 19-arday.

Joi Biden iyo Xaaskiisa ayaa u tagay iskuulka ardayda lagu laayay sidii dareen naxariis leh ugu muujin lahaayeen ehelada ardayda halkaasi lagu laayay, waxa ayna socod ku mareen goobo la dhigay ubaxyo iyo sawirada ardayda iyo dadka kale ee goobta lagu laayay.

Madaxweynaha iyo xaaskiisa ayaa dhowr saacadood ku qaatay magaaladan yar ee dhinaca koonfurbari ku taalla, iyaga oo la hadlayey kuwa uu weerarku sida ugu daran u saameeyey, weerarkaas oo uu geystay wiil 18 jir ah.

Weerarka ka dhacay Iskuulka hoose ee Robb waxaa fuliyay wiil dhalliinyaro ah oo markii dambe ciidamada toogteen, waxaana booliiska la sheegay in ay ku fashilmeen in ay si deg deg ah uga jawaabaan weerarkan khasaaraha badan dhaliyay.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Weerar Culus Ku Qaaday Degmada Afgooye
Next articleDowlada Imaaraadka Carabta oo ballanqaad Culus u sameeyay Ergay Abaaraha Dowlada Soomaaliya(Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here