Home Wararka Maanta Madaxweyne Axmed Madoobe Oo Sabab Yaab Leh U Diidan In Kismaayo La...

Madaxweyne Axmed Madoobe Oo Sabab Yaab Leh U Diidan In Kismaayo La Geeyo Ciidankii Laga Keenay Eritrea

0

Axmd Madoobe ayaa Iska Diiday Qorshe ay Dowlada Federaalka Soomaaliya Waday oo Ciidamadii lagu soo Tababaray Dalka Eriteeriya lagu ayn lahaa Magaalada Kismaayo.

Sida wararka lagu kalsoonaan karo ay sheegayaan, Axmed Madoobe ayaa Villa Soomaaliya ka dalbaday iney haatan dib u dhigto qorshaha soo daabulista askartaasi oo la doonayay in Kismaayo laga dajiyo horaanta bishan March.

Mr. Madoobe ayaa lagu waramayaa inuu si shaki uga qaaday ciidanka oo lala xiriiriyo dowladii ay hoggaanka u hayeen Farmaajo iyo Fahad, waana taas sababta dib u dhigtay qaadista ciidankan oo wali Muqdisho xero ku taala ku xareysan.

Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud oo safar deg deg ahaa shalay ku gaaray magaalada Kismaayo ayaa maanta la filayaa inuu wadahadal kala yeesho arrimahaasi madaxweyne Axmed Madoobe, iyadoo qorshaha yahay in laga dhaadhiciyo in wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Shabaab laga bilaabo deegaanada Jubaland, si ciidanka laga keenay Eritrea looga dajiyo garoonka Kismaayo.

Hore qorshaha waxa uu u ahaa in wajiga labaad ee dagaalka Shabaab laga bilaabo deegaanada Koofur Galbeed, balse waxaa loo weeciya dhanka Jubaland, si ay fursad ugu noqoto in ciidankaasi la geeyo gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha Jubaland isagu fiiro gaar ah ayuu ka qabaa in ciidan Muqdisho laga keenay la geeyo deegaanadiisa, xili dowladda dhexe aysan wali aqbalin mudo kororsiga sanadka ah ee loo sameeyay madaxweyne Axmed Madoobe, taasoo ay sii dheer tahay in xili walba ay isku dhici karaan nidaamka Xasan iyo Xamze ay majaraha u hayaan.

Ad
Previous articleTaliyaha Ciidanka Booliska Oo Awaamir Culus Oo Dhinaca Amniga Ah Soo Saaray
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho iyo Khasaaro Ka Dhashay (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here