Axmd Madoobe ayaa Iska Diiday Qorshe ay Dowlada Federaalka Soomaaliya Waday oo Ciidamadii lagu soo Tababaray Dalka Eriteeriya lagu ayn lahaa Magaalada Kismaayo.
Sida wararka lagu kalsoonaan karo ay sheegayaan, Axmed Madoobe ayaa Villa Soomaaliya ka dalbaday iney haatan dib u dhigto qorshaha soo daabulista askartaasi oo la doonayay in Kismaayo laga dajiyo horaanta bishan March.
Mr. Madoobe ayaa lagu waramayaa inuu si shaki uga qaaday ciidanka oo lala xiriiriyo dowladii ay hoggaanka u hayeen Farmaajo iyo Fahad, waana taas sababta dib u dhigtay qaadista ciidankan oo wali Muqdisho xero ku taala ku xareysan.
Hore qorshaha waxa uu u ahaa in wajiga labaad ee dagaalka Shabaab laga bilaabo deegaanada Koofur Galbeed, balse waxaa loo weeciya dhanka Jubaland, si ay fursad ugu noqoto in ciidankaasi la geeyo gobolka Jubbada Hoose.
Madaxweynaha Jubaland isagu fiiro gaar ah ayuu ka qabaa in ciidan Muqdisho laga keenay la geeyo deegaanadiisa, xili dowladda dhexe aysan wali aqbalin mudo kororsiga sanadka ah ee loo sameeyay madaxweyne Axmed Madoobe, taasoo ay sii dheer tahay in xili walba ay isku dhici karaan nidaamka Xasan iyo Xamze ay majaraha u hayaan.