Home Wararka Maanta Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Tanazania oo ka wadahadlay xoojinta xiriirka labada dal

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Tanazania oo ka wadahadlay xoojinta xiriirka labada dal

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Dares Salaam kulan muhiim ah kula yeeshay Madaxweynaha Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan.

Labada Madaxweyne ayaa kulankooda ku falanqeeyay xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada siyaasadda, Amniga, Dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo arrimaha gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku guda jira socdaal rasmi ah oo uu ku joogo dalka Tanzania, kadib martiqaad uu ka helay Madaxweyne Samia Suluhu Hassan.

Madaxweynaha Tanzania ayaa sidoo kale kulankaasi ku aqbashey martiqaad uu u fidiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ah inay socdaal ku timaaddo Soomaaliya.

Ad
Previous articleShuute oo La Wareegay Musuqii lagu Sameeyey Ciidanka Danab
Next articleShirka Nabadaynta Beelaha Sacad iyo Leelkase oo Ka furmay Gaalkacyo(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here