Home Wararka Maanta Madaxweynayaasha Kenya iyo Uganda oo Ka Murugsan in Ciidamadooda Soomaaliya Laga Saaro

Madaxweynayaasha Kenya iyo Uganda oo Ka Murugsan in Ciidamadooda Soomaaliya Laga Saaro

0

Bixitaanka ciidammada ATMIS ayaa u muuqda mid kala duwanaan cusub ka dhex dhaliyey waddammada ay ciidammadu ka joogaan, kuwaas oo qaarkood ka digayaan maaraynta bixitaankaas iyo xaaladaha amni ee ku xeeran.

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni iyo kan Kenya, William Ruto ayaana ka mid ah madaxda walaacaas qaba.

Labada hoggaamiye, oo dalalkoodu ay ay ciidammo kaga jiraan ATMIS, ayaa sheegay ka dib kulan ay ku yeesheen Aqalka Madaxtooyada, Nairobi, Khamiistii inay ka walaacsan yihiin khatarta argagixisada iyo ammaan-darrada ay arrintaasi ku keeni karto “gobolkeena” waxayna xaqiijiyeen inay ka go’an tahay xoojinta nabadda iyo amniga.

Sida laga soo xigtay qorshaha bixitaan ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, 4,000 oo askari oo Atmis ah ayaa la filayaa inay ka baxaan Soomaaliya dhammaadka bisha Juun, marka lagu daro 5,000 oo ka baxay howlgalkaas, sannadkii hore oo ahaa wejiyada koowaad iyo labaad ee dhimista ciidakaas.

Dad badan ayaana u arka in bixitaankaas uu keenay in kooxda Alshabab ay dib u qabsadaan dhulal badan.

“Intii uu socday kulankii aan la lahaa Madaxweyne Museveni, waxaan walaac ka muujinnay yaraynta iyo bixitaanka Atmis ee Soomaaliya, waxaannuna isla qaadannay in yarayntu iyo wakhtiga la qabtay ay la jaanqaaddo xaaladaha amni ee Soomaaliya,” ayuu Madaxweyne Ruto ku yidhi war-murtiyeedkii wadajirka ahaa ka soo baxay.

Muxuu ka dhigan yahay walaaca ay madaxdan waaweyni muujiyeen?
Falanqeeyayaasha ayaa qaba in ka bixitaankaasi uu “khatar” ku yahay amniga guud ee dalka, marka loo eego diyaarsanaanta ciidanka Soomaaliya iyo awoodda dhinaca ay is hayaan.

“Aniga fahamkayga ka bixitaanka ATMIS khatar weyn ayuu ku yahay Soomaaliya, Soomaaliya dagaal xooggan ayay la gashay Alshabab oo dhul badan bay ka qabsatay dhawaanahan, dhulkaas sii hayntiisu aad bay adkaanaysaa” ayuu BBC-da u sheegay Cabdisalaan Guuleed oo hore ku xigeen uga soo noqday Nabadsugidda Soomaaliya haddana ah falanqeeye dhanka amniga ah.

Bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ayaa weli ah goobaha ay sida gaarka uga taagan yihiin ququlatooyinka halista ku ah amniga, sida laga soo xigtay keydaha xogta colaadaha ee Acled, kaas oo bishii hore diiwaangeliyay in ka badan 200 oo dhacdo oo xag-jirnimo ah, iyada oo ugu yaraan 539 dhimasho ah la soo weriyey intii u dhaxeysay March 23 iyo Abriil 19.

Halka bilihii la soo dhaafay ay kooxaha isha ku haya ammaanka diiwaan galiyeen dhacdooyin la xidhiidha in kooxda Al Shabab ay dagaallo dhaawac iyo dhimashaaba geystay ay ku qaadeen deegaammada Galmudug iyo Hirshabeelle, halkaas oo kooxdaasi muddooyinkii u danbeeyey la soo werinayey in ay dib qabsadeen dhul ballaadhan.

Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Midowga Yurub – oo kaalin weyn ku leh dib u dhiska waaxda amniga dalka – ayaa si joogto ah uga digay ka bixitaanka iyo yaraynta ciidammadaan, iyaga oo qaba I aan weli ciidanka Soomaaliya gaadhin awooddii ay kula wareegi lahaayeen amniga dalka.

“Waddammada Soomaaliya ugu dhaw sida Kenya iyo Uganda oo ciidammo ka joogaan, walaaca ay muujiyeen waa walaac jira, 17 sano oo askar badan uga dhimatay Soomaaliya, markaa maanta in Soomaaliya dib loo qabsado waa walaac jira, madaxda Soomaaliya ayayna hawshaasi u taallaa” ayuu qabaa Cabdisalaan Guuleed

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada UAE oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi sare oo ka socda dawladda Imaaraatka Carabta, uuna hogaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada ee Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, ayna ku jiraan saraakiil sarsare oo ciidan iyo diblumaasiyiin galabta

Mucaaradka Turkiga ahna Duqa Istanbul oo lagu xiray Dalkaasi

Ekrem Imamoglu, Duqa Istanbul ahna hoggaanka xisbiga mucaaradka, tartan xooganna kula jira Madaxweyne Erdogan, ayaa saaka xabsiga loo taxaabay asaga iyo 100 siyaasi oo kale oo mucaaradka ah. Imamoglu waa

Dowlada Somaliya oo beenisay hadalka Puntland ee ku diiday Kaarka Aqoonsiga

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee xukuumada Somalia ayaa sheegtay Kaarka Aqoonsiga Qaran inuu yahay xaq Dadweyne oo ilaalinta xogtiisana ay yahay mid sugan. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay

Ciidan Tababar ahaan u joogay Turkiga oo isku Qacan Qaaday gudaha xerada Tababarka

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Askar Soomaali tababar u joogtay Turkiga oo kubbad ciyaarayay oo dagaal ka dhex qaraxay, taasina waxay keentay in ay dhawacmaan ilaa iyo 24

Puntland oo sheegtay in Aqoonsiga Qaranka uu Noqday mashruuc hanti urursi ah oo culays ku ah shacabka Soomaaliyeed

Puntland ayaa si cad uga hortimid diiwaangelinta kaarka aqoonsiga qaranka (National ID) ee dowladda Fecderaalka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in qorshahan uu yahay mid siyaasadaysan, loogana dan leeyahay doorashooyin aan
Ad
Previous articleXisbiga Talo ku nool ee Hanjabaad culus Soo Saaray kadib Xariga Taakeeye
Next articleRaysulwasaaraha Israil oo Waaran Soo Qabashaa loo Jaraayo