Home Wararka Caalamka Madaxweynaha Ukraine Zelensky oo ka badbaaday shirqool dil

Madaxweynaha Ukraine Zelensky oo ka badbaaday shirqool dil

0

Sirdoonka Ukraine ayaa sheegay in ay ka hortageen shirqool Ruushka u dhigeen si ay u dilaan madaxweyne Zelensky saraakiil kale.

Waxaa la xiray labo korneel oo ka tirsanaa ururka ilaalada madaxda dowladda iyagoo u gudbiyay xog xasaasi ah shabakad ka tirsan sirdoonka FSB ee Ruushka. Waxay sheegeen in shirqoolku ahaa in la qorto saraakiil militeri oo afduubta Zelensky kaddibna dila.

Bartilmaameedka waxaa ku jiray taliyaha ciidamada Kyrylo Budanov kaas oo loogu talogalay in lagu dilo gantaal. Sida qoraalka la soo saaray ku xusan shirqoolka qaarijiska ayaa la rabay in warkiisa lagu soo bandhigo xafladda caleemo saarka madaxweyne Putin.

Qorshaha waxaa ku jiray in ay basaasaan xogta halka uu ku sugan yahay taliyaha kaddibna lagu weeraro gantaalo ama drones.Mid ka mid ah saraakiisha la xiray ayaa soo iibsaday dornes iyo miinooyin.

Ad
Previous articleNin boqol kun oo doolar ka dhacay haween kaddib markii uu Shukaansaday
Next articleDowlada Soomaaliya oo lagu haysto Duqayntii Dhawaan ay Laysay 23 Qof oo Shacab ah oo ku sugnaa….