Home Wararka Caalamka Madaxweynaha Ukrain Zelensky oo shardi adag ku xiray wadahadal dhexmara Ruushka

Madaxweynaha Ukrain Zelensky oo shardi adag ku xiray wadahadal dhexmara Ruushka

0

Ka dib markii konton qof oo rayid ah ay u suurto gashay in laga saaro magaalada go’doonsan ee Mariupol Jimcihii, ayaa madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, sheegay heshiis dhex mara iyaga iyo Ruushka uu shardi u yahay in marka hore ay ciidamada Ruushku ku noqdaan goobihii ay joogeen intaanay magaaladaa weerarin.

Volodymyr Zelensky oo la hadlayay xarun cilmi-baaris ah oo London ku taalla ayaa sheegay in taasi ay tahay waxa ugu yar ee waddankiisu aqbali karo.

Waxa uu sheegay in uu yahay hogaamiyaha “Ukraine,” balse ma uusan soo hadal qaadin Crimea oo uu Ruushka la wareegay sanadkii 2014-kii.

Ruushka ayaa hadda dagaal ugu jira inuu si buuxda ula wareego magaalada Mariupol. Waxaa weli halkaas ku jira ciidamada Ukraine oo ay weheliyaan qaar ka mid ah dadka rayidka ah ee ku sugan koonfur-bari ee birta weyn ee Azovstal.

Dhanka kale, Saraakiisha Mareykanka ayaa lagu warramayaa in ay xaqiijiyeen in ay xogo sirdoon siiyeen ciidanka Ukraine oo bartilmaameedsaday isla markaana dilay in badan oo ka mid ah jeneraalada Ruushka kuwaas oo ku naf waayey dagaalka Ukraine.

Sheegashooyin ay jariiradda New York Times ka soo xigatay saraakiil dhinaca gaashaandhigga ah oo aan la magacaabin ayaa u muuqata in ay xaqiijinyaan shakiyo la xiriiray in Mareykanka ay bixinayaan xogo sirdoon oo lagu howlgali karo gacanna ka siin kara saraakiisha Ukraine in ay xushaan bartilmaameedyo aad u qaali ah oo Ruush ah.

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous articleQaar Ka Mid ah Murashaxiin Doonaya in Dib loo Dhigo Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya(Akhriso)
Next articleXildhibaano Badan oo Soomaali ah oo lagu Doortay Wadanka UK