Madaxweynaha cusub ee dalka Senegal Bassirou Diomaye Faye ayaa tallaabadiisii ugu horreysay markii uu kursiga madaxtinnimo fariistay xil ugu magacaabay saaxiibkiisii siyaasadda Ousmane Sonko inuu noqdo ra’iisul wasaaraha dalkaasi.
Sonko, oo mucaarad mutuxan ku ahaa madaxweynihii hore ee Macky Sall, ayaa caan ku ah dhiiri galinta dhalinyarada ku nool dalkan ku yaal Galbeedka Afrika, laakiin waxaa laga mamnuucay doorashadii madaxtinnimo ee 24-kii March sababo la xiriira sumcad dil. Wuxu diiday inuu wax khalad ah sameeyay.
Wuxuu si wey ugu ololeeyey saaxiibkiisa muddadii ololaha isaga oo hal ku dhig ka dhigay “Diomaye waa Sonko,” Sonko wuxuu ku boorriyay taageerayaashiisa inay u codeeyaan ku-xigeenkiisa, Faye, kaasoo ugu dambeyn ku guuleystay in ka badan 54% codadka wareegii koowaad ee doorashadii ka dhacday dalkaasi.
Faye, ayaa xilka madaxtinimada Senegal loo caleemasaaray Talaadadii.
Isagoo hadlay magacaabistiisa kadib, Sonko ayaa sheegay inuu Madaxweyne Faye horgeyn doono liis dhammeystiran oo la xiriira magacaabista wasiirrada si loo ansixiyo.
“Ma jiri doonto su’aal ah in isaga (Faye) loo daayo kaligiis si uu u qabto mas’uuliyaddan culus,” ayuu yiri Sonko.
Xiriirka labadan nin ayaa xoogaystay xilligii doorashada lagu jiray ka dib markii labadaba xabsiga laga sii daayey laba toddobaad ka hor doorashada.
Sonko, oo hadda ah 79 sano jir ayaa sida shumaca ugu dhex ifay siyaasada dalkiisa isagoo taageero ka helay dhalinyarada Senegal oo ka niyad jabsan shaqo la’aanta baahsan iyo musuqmaasuqa ka dhex jira madaxda talada dalka haysay.
Dadka reer Senegal ayaa wajahaya heerar shaqo la’aan oo aad u sarreeya iyo sicirka cunnada kuwaas oo ka dhashay dagaalka Ukraine.
Faye iyo Sonko ayaa u ololeeyay ballan qaadyo ah in ay cirribtirayaan musuqmaasuqa.
Doorashada ka hor, madaxweynaha cusub ee Senegal ayaa soo saaray bayaan ku saabsan hantidiisa wuxuuna ugu baaqay musharaxiinta kale inay sidaas oo kale sameeyaan. Waxay ku taxay guri ku yaal Dakar iyo dhul ka baxsan caasimadda iyo magaaladiisa yar.
Xisaabaadka bangiga Faye ayaa wadar ahaan dhan $6,600. Qofka Muslimka ah ee ku dhaqma, waxa uu qabaa laba xaas oo labaduba goob joog ka ahaayeen caleemo saarkiisa.
Waa kuma Sonko?
Wuxuu ku dhashay magaalada Thiès, oo ah tan saddexaad ee ugu weyn dalkaasi sanadkii 1974-tii.
Waxa uu inta badan ku soo barbaaray Casamance ka dibna waxa uu wax ku bartay Jaamacadda Gaston-Berger ee Saint-Louis, halkaas oo uu ka qaatay shahaadada mastarka ee sharciga dadweynaha sannadkii 1995.
Shahaadada mastarka wuxuu ku qaatay sharciga dadweynaha Jaamacadda Gaston Berger (UGB) ee Saint Louis. 2001-dii waxa uu ka qalin jabiyay ENA, qaybta “Canshuurta iyo Domains”
Sidoo kale wuxuu wax ka bartay Dugsiga Qaranka ee Maamulka iyo Garsoorka.
Kahor inta uusan siyaasadda soo galin, Sonko waxa uu u shaqeeyay 15 sano sida kormeeraha cashuuraha ee Pikine.
Wuxuu ku caan baxay ka hadalka musuq maasuqa dalka oo si weyn ugu eedeyey madaxda Senegal. Wuxuu galay xabsi muddo labo sano ah.
Sanadkii 2014-kii Sonko waxa uu aasaasay Wadaniyiinta Afrikaanka ah ee Senegal ee Shaqada, Anshaxa iyo Walaalnimada. Intii u dhaxaysay 2017 iyo 2022, waxa uu noqday xubin ka tirsan Golaha Shacbiga.
Qorshihiisi sanadkii 2018- ayu uku soo bandhigay hindiyaashiisa siyaasaddeed isago sanadki i2019-kii u tartamay xilka madaxweynaha ee dalkaasi.
Bishii Sebtembar 2021, Sonko waxa uu bilaabay isbahaysiga “Dadka Xorta ah” ujeedadisa ayuu ku sheegay in muhiimadu tahay in mucaaradku ku guulaystaan goloyasha degmooyinka ee dalka Senegal iyo barlamaanka.
Isbahaysigiisa u midowga rajada ayaa ku guulaystay in magaaloyinka ay ku jirto Dakar iyo 56 kursi oo ka mida 165 kursi ee barlamaanka Senegal, sidaas oo kale Sonko waxaa loo doortay Duqa magaalada Ziguinchor.
Sonko, wuxuu siyaasadda Senegal u soo galay halgan adag, wuxuu noqonayaa Ra’iisul wasaarihii 16-aad ee dalkaasi yeesho.