Home Wararka Maanta Madaxweynaha Soomaaliya Oo Maantay Markale Safar Dibada ah Ubaxaya

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Maantay Markale Safar Dibada ah Ubaxaya

0

Masar waxaa kusii jeeda Madaxweynaha Soomaaliya oo katagaya Muqdisho iyo Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka arrimaha dibada ee Jabuuti oo iyana ka tagaya Jabuuti.

Waxa laga wada hadlayaa waa dhacdooyin waa weyn oo saameyn kuyeelan doona Marxaladda Amniga iyo siyaasadda Geeska Africa.

Masar ayaa doonaysa Dalal ay ka fushato danaheeda gobalka, maadaama ay Itoobiya isku hayaan biyaha wabiga Niilka.

waxaana la aaminsan yahay in ay Qaahira mar kasta Soomaaliya u aragto dal ay kudifaacan karto Masaalixdeeda, sidaas oo kale dhawaanihii u dambeyey waxay dhibsanayaa joogitaanka gudaha Soomaaliya ee dalal kale oo Islaam ah iskuna hayaan Liibiya.

Ad
Previous articleQarax ka dhacay Buulaburde iyo Askar ku dhimatay
Next articleAl Shabaab oo weeraro ka fuliyay deegaano kuyaalla Gudaha Dalka Kenya