Home Wararka Caalamka Madaxweynaha Shiinaha oo ciidamadiisa ku amray iney isku diyaariyaan dagaal

Madaxweynaha Shiinaha oo ciidamadiisa ku amray iney isku diyaariyaan dagaal

0

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping oo ku labisan direyska ciidanka ayaa Milatariga dalkiisa ugu baaqay iney u diyaar garoobaan Dagaal.

Baaqa uu Madaxweynaha Shiinaha u direy Ciidamada Dalkiisa ayaa yimid xili uu Mareykanku ka digayo in ciidanka Shiinuhu ay weeraraan Jasiirada Taiwan oo sheegata madax banaani balse shiinuhu aaminsan yahay iney tahay qeyb dalkiisa

Washington DC ayaa marar badan wacad ku martey iney Jilbaha dhulka u dhigi doonto Shiinaha hadii Beijing ay weerarto Jasiirada Taiwan.

Madaxweyne Joe Biden ayaa ku celceliyay inuu Mareykanku difaaci doono Taiwan haddii la weeraro. Kadib markii afhayeenka congreska Mareykanka, Nancy Pelosi, ayaa booqatay Taiwan bishii Ogosto.

Toddobaadkan afhayeenka Wasaaradda arriomaha dibeda ee Shiinaha ayaa dhalleeceeyay Wasiirka Ganacsiga ee Boqortooyada Ingiriiska oo booqanayo Taiwan wuxuuna u sheegay dawladda Ingiriiska inay joojiso ku xad gudubka madax banaanida shiinaha.

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada
Ad
Previous articleLamaane dal shisheeye ka iibinaysanaayay sir ay Mareykanka ka Haayeen oo xukun adag lagu riday
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh Oo Gaaray Dalka Eritrea Iyo Xogta Ujeedka Safarkiisa(Sawiro)