Home Wararka Somaliya Madaxweynaha Puntland Deni oo dib ugu soo laabtay Caasimada Garoowe

Madaxweynaha Puntland Deni oo dib ugu soo laabtay Caasimada Garoowe

0

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar ugu maqna dalka Kenya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socday waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe Gen. Mohamed Abshir AirPort kusoo dhoweeyay Goleyaasha kala duwan ee Dowladda Puntland, Xildhibaanada labada Aqal ee Federaal ee dhowaan la doortay, Maamulka Gobolka Nugaal iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe.

Deni ayaa todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa magaaalada Nairobi halkaasoo uu ka waday kulamo hoose oo la xiriira arrimaha doorashooyinka Somalia iyo musharaxnimadiisa

Soo laaabashada ka dib ayaa la filayaa inay sii socoto doorashadii xubnaha golaha shacabka ee laga soo doorto Puntland, taasoo hakad gashay tan iyo markii madaxweynuhu u safray Kenya.

Puntland ayay wararka qaar sheegayaan iney bilaabayso degaan doorashada labaad ee magaalada Boosaaso, inkastoo aan weli la dhammaystirin kuraasta taalla Garoowe.

 

Ad
Previous articleKoonfurgalbeed oo Amar Culus caawa Soo Rogtay Kadib Xanibaadii Gudoomiye Muudeey
Next articleDowlada Austria oo Qabatay Dad Qaxooti ah oo Sanduuq lagu soo Qariyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here