Home Wararka Maanta Madaxweynaha Kenya oo saxiixay sharci ay ka biyo diideen mucaaradka iyo arrin...

Madaxweynaha Kenya oo saxiixay sharci ay ka biyo diideen mucaaradka iyo arrin laga cabsi qabo

0

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa maanta saxiixay sharci canshuurta ku kordhinaya badeecado kala duwan, sida ay sheegtay madaxtooyada.

Ruto ayaa u muuqda mid iska dhego tiray dhalleeceyn ku saasabn inuu xaaladda kusii adkeynayo shacabka wajahaya dhibaatooyinka dhaqaale, maadaama uu canshuur dheeri ah ku waajibinayo shacabka.

Sharcigan cusub ee canshuuraha ayaa waxaa toddobaadkii tegay saxiixay baarlamanka, wuxuuna laba laabayaa canshuurta shidaalka, oo uu ka dhigayaa 16 boqolkiiba.

“Madaxweyne Ruto wuxuu ansixiyey sharciga maaliyadda. Wuxuu ku saxiixay madaxtooyada,” ayey madaxtooyada ku tiri farriin ay u dirtay suxufiyiinta, oo ay wehlisay sawirka madaxweynaha oo saxiixaya.

Ruto oo xafiiska la wareegay bishii September kadib doorasho si xooggan loogu loolamay ayaa isku dayaya inuu buuxiyo qasnadaha dowladda ee maran, islamarkaana dib u hagaajiyo dhaqaalaha waddanka oo daymo badan lagu leeyahay, kuwaas oo uu ka dhaxlay madaxweynihii ka horreeyey Uhuru Kenyatta.

Kenya ayaa waxaa hadda lagu leeyahay dayn gaaraysa $70 bilyan, taasi oo u dhiganta 67 boqolkiiba wax soo saarka guud ee dalka (GDP).

Sharciga cusub oo la filayo inuu soo kordhiyo in ka badan $2.1 bilyan oo dakhli cusub ah ayaa canshuurta ku kordhin doona badeecado iyo adeegyo ay ka mid yihiin cuntada iyo adeegga lacagta la isugu diro mobile-ka.

Dadka bishii uu soo galo dakhli dhan 500,000 shilling ($3,600) ayaa bixin doona 32.5 boqolkiiba oo ah canshuurta dakhliga, halka kuwa sameeya 800,000 shilling ($5,700) ay bixin doonaan 35 boqolkiiba, halka markii hore ay bixin jireen 30 boqolkiiba.

Sidoo kale waxaa la saddex jibaaray canshuurta ganacsiyada yaryar oo laga dhigay saddex boqolkiiba.

Canshuur cusub oo ah shan boqolkiiba ayaa la saaray dadka dakhliga ka sameeya muuqaallada baraha bulshada sida Facebook iyo YouTube.

Mucaaradka Kenya ee uu hoggaamiyo Raila Odinga ayaa ku hanjabay dibad-baxyo cusub oo ka dhan ah canshuurta cusub, ayaga oo sheegay inay culeyska ku kordhin doonto shacabka markii horeba dakhliga ciriiriga ku ahaa.

Ad
Previous articleCali jayte oo Ka Hadlay Warna Kasoo Saaray inuu noqday Madaxweynaha Hoiraan State
Next articleBaarlamaanka Dowlad-goboleedka Puntland oo si rasmi ah u shaaciyay qodobada wax ka bedelka lagu sameynayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here