Home Wararka Somaliya Madaxweynaha Kenya oo ka hadlay xukunka Maxkamadda ICJ ee Muranka Badda

Madaxweynaha Kenya oo ka hadlay xukunka Maxkamadda ICJ ee Muranka Badda

0

Madaxweynaha waddanka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa gaashaanka u daruuray xukunka Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee qeybta libaax dowladda Soomaaliya ka siiyay murankii badda ee u dhaxeeyay Kenya iyo Soomaaliya.

Uhuru Kenyatta, ayaa ka digay in go’aanka Maxkamadda ICJ ay inta badan baddii lagu muransanaa ay ku siisayay Soomaaliya uu waxyeelayn doono xiriirkii ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweynaha Kenya waxa uu gebi ahaanba ku gacanseeray xukunka ay maxkamadda ka soo saartay badda la sheegay inay ceegaagaan gaaska iyo naaftada, isagoo sheegay in arrintaasi ay isbaddel wayn ku keeni doonto horumarka dhaqaale iyo midka siyaasadeedba, ayna halis gelin doonto ammaanka gobolka Geeska Afrika.

Waxa uu markale ku celilyay baaqiisii ahaa in wadahadal oo kaliya lagu soo afjari karo muranka.

Madaweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhankiisa Kenya ugu baaqay inay ixtiraamto sarraynta qaanuunka caalamiga ah.

Ad
Previous articleAkhriso: Eedeymaha Madaxweyne Farmaajo uu u jeediyay Kenya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada Qaarkood
Next articleKulan dhex maray Saraakiil Galmudug ah iyo Taliye Odawaa oo Faah-faahin laga helayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here