Home Wararka Maanta Madaxweynaha Kenya oo ka hadlay Go’aankii Maxkamada ICJ

Madaxweynaha Kenya oo ka hadlay Go’aankii Maxkamada ICJ

0

Madaxweynaha waddanka Kenya, ayaa markale ka horyimid xukunka Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda aduunka ICJ oo dhawaan Soomaaliya u xukuntay qeyb badan oo ka mid ah soohdinta badda ay ku mursanaayeen Kenya iyo Soomaaliya.

Uhuru Kenyatta, ayaa ka digay in go’aankaasi uu waxyeelayn kara xiriirka ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweynaha Kenya waxa uu gebi ahaanba ku gacanseyray xukunka ay maxkamadda ka soo saartay muranka baddan oo la sheegay inay ceegaagaan yihiin gaaska iyo kheyraad kale oo dabiici ah isagoo sheegay in arrintaasi ay “isbaddel wayn ku keeni doonto horumarka dhaqaale iyo midka siyaasadeedba ee dalkiisa, ayna halis gelin karta ammaanka gobolka Geeska Afrika.”

“Cidna kama aqbaleyno in ay sheegato lahaanshiyaha qeyb ka mid ah dhulkeena, sida aan u xushmeyno xuduuddaha dalalka kale ayaan sidoo kale ka filaynaa in xuduuddaheen dhuleed iyo badeed loo xushmeeyo,” ayuu yiri madaxweyne Kenyatta.

Uhuru ayaa xusay in Kenya ay tahay dal nabadda jecel isla markaana ay dooneysa in nabad ay kula noolaato dalalka dariska ah ayna ka qeyb qaadatay howlaha nabadda loogu raadinayo dalalka kale.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeya muran dhanka badda ah oo muddo dheer soo jiitamayay.

Xiriirka labada dal ayaa mar gaaray heerkii ugu xumaa ilaa ay noqotay inay kala qaataan safaaradaha.

Ad
Previous articleHogaamiyaha Koox Burcad ah oo Dhalashadiisu tahay Somali Laguna Xakumay Xabsi saa’in ayaa dalbatay in Dalkiisa lagu soo caliyo
Next articleGalmudug oo Odayaal ku xirtay Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here